Midowga Yurub oo dhaqaale ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

0

Iyadoo ay sii kordhayso baahida gargaarka samafalka ee Geeska Africa ayaa waxaa Guddiga Midowga Yurub ay ku dhawaaqeen kaalmo cusub oo la siinayo dalalka Geeska Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Guddoomiyaha maareynta dhibaatooyinka Midowga Yurub Janez Lenarcic ayaa shaaca ka qaaday in dalalkan ay Soomaaliya ka mid tahay ay u qoondeeyeen kaalma gaareysa 180 Milyan oo Dollar, si wax looga qabto howlaha samafalka ee dalalkaasi.

Janez Lenarcic ayaa xusay in dalalka Geeska Africa sanadkii la soo dhaafey ay ka jireen xaalado bani’aadanimo iyo mid amaan oo sii kordheysa ,taas oo ay ugu horeeyaan barakaca, saameynta Ayaxa, isbeddelka cimilada iyo Covid-19.

Dalalka Geeska Africa ee Guddiga Midowga Yurub uu dhaqaalaha ugu deeqay ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Uganda.

Guddiga Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay in ka badan 6 Milyan oo Dollar, si kaalmadaasi loogu biiriyo dedaalada loogu gurmanayo dadka ay sameeyeen abaarihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here