Militariga Suudaan oo dib u soo celinaya Ra’iisul Wasaarihii xilka laga tuuray

0

KHARTOUM (SMN) – Sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Fadlallah Burma Nasir oo ah Madaxa Xisbiga Ummadda ee dalka Suudaan, Millateriga Suudaan ay qorsheynaya inay dib u soo celiyaan Ra’isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok, kaddib heshiis laga gaaray xaaladda dalkaas.

Nasir ayaa sheegay in Hamdok uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax-bannaan, isla markaanaa uu heshiiska ay gaareen Militariga iyo xisbiyada siyaasadda uu dhigayo in dhammaan maxaabiista siyaasadeed lagu sii dayn doonaa.

Dibad-baxyo rabshado wata ayaa Sudan ka dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaas oo lagu dalbanayay in xukunka dib loogu soo celiyo xukuumadda rayidka ah ee uu hoggaaminayay Ra’isul Wasaare Hamdok.

Ciidmada Amniga ayaaa lagu eedeeyay toddobaadkii hore inay dileen ilaa 15 qof oo dibad-baxayaal ahaa, hase yeshee hoggaamiyaha Militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa dafiray inay dileen dad shacab ah.

Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo xal looga looga gaarayo xiissadda Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here