Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah MW Biixi

0

HARGEYSA (SMN) – Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Wadani iyo UCID ayaa xalay ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo shaaciyey in wixii ka dambeeya 13-ka November oo shalay ku beegneyd aysan u aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland.

Labada xisbi ayaa sheegay in muddo xileedka rasmiga ah ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uu soo dhammaaday, waxayna sharci darro ku tilmaameen go’aankii Golaha Guurtida oo bishii October madaxweynaha u sameeyey muddo kordhin labo sano ah.

Sidoo kale kale xisbiyada Wadani iyo UCID ayaa intaas ku daray in ay aqoonsan yihiin kaliya golayaasha baarlamaanka, maxkamadda iyo dawladaha hoose.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen xisbiyada mucaaradka waxaa kale oo ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo ku saabsan doorashada maamulkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka madaxtooyada oo ku aadan go’aanka ka soo baxay mucaaradka, balse taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa digniin u diray xisbiyada, isaga oo sheegay in ay awood adeegsan doonaan haddii ay isku dayaan inay qabtaan dibadbaxyo ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here