Museveni oo sheegay in qaraxyadii Uganda laga soo abaabulay Somalia iyo Kenya

0

KAMPLA (SMN) -Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in weeraradii dhawaan ka dhacay magaalad Kampala ee caasimadda dalka Uganda laga soo abaabulay gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Museveni ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan xogo muujinayo in ay soo abaabuleen ama ay ka dambeeyeen kooxo ku sugan gudaha Soomaaliya iyo kenya .

“Qaraxyadii ay dhawaan ka dhacay Kampala, waxaan haynaa caddeymo qaar oo muujinaya inay soo abaabuleen kooxo ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Si kastaba, Daacish ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo u badan dad shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here