Mushaarka ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo la dhimayo + Sababta

0

Midowga Yurub ayaa jaray 66% dhaqaalaha uu ku taageeri jiray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya.
Jarista dhaqaalahaan ayaa dhaqan galidoonta bisha Luulyo ee sanadka soo socda, iyadoo loo tixgalinayo inay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.

Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa inta badan ciidamada Amisom, booliska, mushaaraadka shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda.

15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU) ayaa 11-kii May waxay kordhiyeen joogitaanka Amisom ee Soomaaliya ilaa 31-ka Diseembar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here