Musharixiinta mucaaradka oo ka hadlay xiisadda Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda sii xoogeysaneysa ee Villa Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:

Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u cambaaraynayaa qoraalkii Dastuurka baalmarsanaa ee 16/09/21 kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya. Wuxuu kaloo qoraalkaasi caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah.

Sida ku cad Dastuurka dalka, Madaxweyne muddo-xileed buuxa leh ayaan awood u lahayn in uu xil ka qaado, ama shaqo joojin ku sameeyo Raysal- wasaare, kuma sii jiro mid xileedkiisu dhammaaday. Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu si ulakac ah u jebiyey Dastuurka, kamana run sheegin qodobbada Dastuurka 87 iyo 90 ee uu qoraalkiisa ku daliishaday, kuwaasoo meelna kaga qorneyn xil joojin ama xil ka qaadis Raysal-wasaare.

Haddaba, Goluhu wuxuu caddaynayaa mowqifkiisa ku aaddan qoraalkii kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna u arkaa:

  1. 1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka.
  2. 2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil, gabbaadna

1

siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka,
gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo qorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

Goluhu isagoo ka duulaya qoddobka 103aad iyo qodobka 34aad ee Dastuurka iyo heshiiskii 27 Maajo ee doorashooyinka, ayuu soo jeedinayaa qodobbada hoos ku xusan:

  1. 1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.
  2. 2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.
  3. 3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.
  4. 4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo.
  5. 5- In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidii deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.
  6. 6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhiillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto.
  7. 7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here