Muuse Biixi Cabdi oo isku shaandheyn ku sameeyey xukuumaddiisa

0

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey xukuumaddiisa, kadib wareegto uu soo saaray.

Wareegtada ayaa sameyn ku yeelatay xubno kala duwan, sida wasiiro, ku xigeeno iyo sidoo kale agaasimeyaal guud.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta.
11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha.
12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga.
18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose.
19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda.
20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.
24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here