Muuse Suudi iyo Saadaq Joon oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

0

MUQDIHO (SMN) – Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gudoonsiiyay xildhibaan Saadaq-Joon iyo Senator Muuse Sudi Yalahow.

Guddiga ayaa fariin ay saakay ku soo qoreen boggooda Facebook ku sheegay in . si habsami leh ay u socota shahaada siinta xildhibaanada xilli khilaad adag uu ka dhex taaganyahay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada jooga waddanka inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si ay uga guul gaaran yoolkeenna dhammeystirka doorashada.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bayaan uu xalay soo saaray waxa uu xubinnimadii guddi hirgelinta doorashooyinka heer federaal uga saaray laba xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa.

Arrintaas ayaa waxa ay daba socotay kaddib markii labadaas xubnood iyo xubno kale ay sheegeen inay yihiin aqlabiyadda guddiga sidaas daraadeedna ay fasaxeen xildhibaannadii afarta ahaa ee uu hore u xayiray gudoomiyaha guddigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here