Muxuu Cabdiweli Gaas ka yiri dhacdadii magaalada Boosaaso?

0

BOOSAASO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 20 qof.

Gaas ayaa mas’uuliyadda dadkii shaqaaqadaas ku dhintay wuxuu dusha ka saaray Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ku eedeeyey in aysan safarkeeda iyo qorshaheeda ku wargelin maamulka Puntland.

Horey xildhibaan Sacdiya ayaa u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor intii aanay diyaaraddu u duulin magaalada Boosaaso, isla markaana ay ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya ay sheegtay in kadib markii ay diyaaraddu ka degtay garoonka magaalada Boosaaso inuu lasoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda.

Arrintaan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo ka dhalatay dhacdadaasi oo ay farageliyeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo xiriir la sameeyey madaxweyne Saciid Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here