Muxuu guddiga doorashooyinka ka yiri khilaafka kuraasta Garbahaarey?

0

GARBAHAAREY (SMN) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa si dar dar ah mamaul goballeedyada qaar uga socotay doorashada Golaha shacabka ee baarlamanaka cusub ee federaalka Soomaaliya iyadoo horrey loogu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo 25-kaan bishaan Febaraayo, waxaana ilaa iyo hadda la doortay boqolkiiba 55%.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina oo ka hadlay arintan ayaa waxa uu  sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay.”

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Guuddiga Doorashada haddii aanu nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo xildhibaannadaasna aanu xal laga gaarin caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa.”

Safiina ayaa tibaaxay in haddii madaxda isku haysa xildhibaanadaas oo ay doorashadooda xallin laga gudbayo.

Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo kuraas badan la doortay, kuwaas oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba konton iyo shan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here