Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri ciidamadii la geeyey dalka Eritrea?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Maxamed (Farmaajo) oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha cusub ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey Eritrea.

Farmaajo ayaa sheegay in illaa 5 kun oo askari ay tababar ugu direen wadanka Eritrea, si ay qayb uga noqdaan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in ciidamadaasi ay tababarka dhammeysteen, balse ay dib u dhigeen in dalka lagu soo celiyo, maadaama ay ku soo aadeen xilliga doorashada

“5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Dhankiisa Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta ciidamadaasi ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka kusoo celin doonaan, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen Soomaaliya.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyna cusub ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here