Muxuu madaxweyne Saciid Deni ka yiri howlgallada ka socdo Galmudug?

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaanada Galmudug.

Ugu horreyn Deni ayaa boggaadiyay guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galgaduud iyo Mudug oo degmooyin iyo deegaano looga qabsaday Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa soo jeediyay in la sii wado howlgallada, si Al-Shabaab looga xoreeyo dalka oo dhan

“Waxaan rajeynaynaa meelaha ay ku hareena in meel looga soo wada keesto oo jabtarkaas lasoo xiro,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo ayadoo ciidanka dowlada & kuwa deegaanka ay la wareegeen degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ay sanado ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howlgallada haatan ka socdo inta badan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here