Muxuu madaxweyne William Ruto ka yiri arrimaha Soomaaliya?

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jiraan caqabado ay adag tahay in wax laga qabto.

Mar uu shalay la hadlayay barnaamijka Amanpour ee CNN ayuu xusay in caqabadahaas ay Soomaaliya wajaheyso ay ku jiraan arrimo amni oo soo jireen ah, haddana ay macaluul ku soo fool leedahay.

“Caqabadda Soomaaliya waa mid ay adag tahay in la maareeyo, la fahmo ama wax laga qabto,” ayuu yiri Ruto oo sheegay in uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno [madaxweyaha Soomaaliya] iyo beesha caalamka si aan u xallinno caqabadaha jira, Soomaaliyana ay ugu suurtagasho in ay iyadu danaheeda amni ka shaqeyso,” ayuu yiri Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here