Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri howlgalkii lagu qabtay Aadan Yabaal?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo soo hadal qaaday qabashada Aadan Yabaal.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab inay horay u sii kaxeysteen shacabkii deganaa Aadan Yabaal, islamarkaana ay burburiyeen ceelashii biyaha.

“Degmada Aadan Yabaal waxaa ku sugan Ciidamada Xoogga dalka, balse Shacabkii waxaa afduubtay Al-Shabaab” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here