Muxuu taliye Odawaa ka yiri ciidamada la geeyey gudaha magaalada Beledweyne?

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegey in ciidamada maalin hor la geeyey Beledweyne ay yihiin kuwo loogu talagalay inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Odawaa oo wareysi gaar ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay haatan halis ku yihiin amniga Beledweyne iyo qabsoomida doorashada la filayo in ay ka dhacdo degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu beeniyey in ciidamadan wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada lagu wado in dhowaan lagu qabto magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaaladan ka jirtay xiisad xoogan oo looga soo horjeedo in doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya lagu qabto halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here