Muxuu Qalbi Dhagax ka yiri go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo la hadlay warbaahinta ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ay liiska argagixisada uga saareen, asaga iyo ururka ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu bilo ka hor kula kulmay magaalada Nairobi, isla markaana uu ka balan qaaday in go’aankaas ay ka garaabi doonto dowladda Soomaaliya.

Rooble ayaa balan qaadkaas maanta fuliyey isagoo golaha wasiirrada hor geeyey qaraarka burburinta go’aankii ay ONLF iyo Qalbi-Dhagax ka gaartay xukuumadii tan ka horeysay, afar sano ka hor.

“Qaladkii hore waxaa saxay Ra’iisul wasaaraha umadda Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble, waana soo dhaweyneynaa, qaladkaas waxaa laga galay dhamaan umadda Soomaaliyeed, waana wax lagu farxo in maanta la saxay,” ayuu yiri Qalbi-Dhagax.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay ku wada jiraan halganka ONLF ee gobanimo doonka ah, taas oo keentay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada dhiidhiyaan dhibkii isaga soo gaaray iyo go’aankii ay qaadatay xukuumadii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here