Muxuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka yiri xaaladda guud ee dalka?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyay munaasabaddda hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Xaaladda dalka maanta wuxuu marayaa meel fiican doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad wey iska yimaadaan laakin wax weyn maahan, wax weyn aan loo qaadanin wax walba waxaa ka muhiimsan xasilloonida dalka, nabad galyada.” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray ” Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa inay ilaaliyaan xasiloonida Al-Shabaabna uusan ka faa’iidaysanin, ayna ka fogaadaan waxa tuhumada ama qalqalka abuurayo.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax weyn oo saa’id ah oo hadda la isku haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here