Muxuu Ra’iisul wasaare Xamza ka yiri xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Qatar?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, oo xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta qaranimada Qatar ayaa  dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu guuleysatay marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka 2022.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here