Muxuu Rooble ka yiri doorashada lagu soo gabagabeeyey Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay oo ah 25-ja bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Sidoo kale Rooble ayaa dowlad-goboleedyada dalka ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.

Halkan hoose ka daawo daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here