Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Puntland & dowlad deegaanka?

0

Maamulka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ay yeesheen waxay heshiis kaga gaareen arrimaha amniga iyo ganacsiga, sida lagu sheegay war murtiyeed kasoo baxay shirkaas oo ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga lidka ku ah, sida hubka iyo maan-dooriyaha.

Sidoo kale waxaa gabagabada shirkan laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here