MW Farmaajo oo Hambalyo u diray madaxweynaha dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jambuuti, ismaaciil Cumar Geelle, oo markale dib loo doortay.

” Waa guul  xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka, Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa lagu yiri warqoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuuti, isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98, sida lagu baahiyay warbaahintaJabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here