MW Farmaajo oo amray inaan la bixi karin lacagta laga qabtay Imaaraadka Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe in aan sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda dowladda lacagta ka timid Imaaraadka.

Qoraalka madaxweynaha ayaa waxaa lagu xusay in sifo sharci darro ah lacagtaas lagu soo geliyey dalka, islamarkaana Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Arrintan ayaa jawaab u ah hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa in Imaaraadka Carabta loo celinayo lacagtooda, isagoo raalli gelin ka bixiyay wixii dhacay April 2018-kii.

Halkan hoose ka aqriso:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here