MW Farmaajo oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey Bisha Ramadaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga Bishan barakeysan ee Ramadaan, isagoo shacabka soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan fadliga bishan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa bilashada Bishaan barakeysan ee Ramadaan, bishaan waa bil kheyr, sidaas awgeed waa inan badinaa towbadda iyo cafiska, madaama ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey in ay is caawiyaan oo garab istaaggaan walaalahooda danyarta ah, madaama cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn taban ku yeeshay bulshadeenna oo duruufo adag la halgamayey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhiirrigeliyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here