MW Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga maanta ka guddoomay safiiro cusub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Mudane Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo isu-socodka. Isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee Qaaradda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here