Xasan Sheekh oo ka hadlay daruufaha ay ku shaqeeyaan Macallimiinta

0

MUQDISHO (SMN) – Xaflad ballaaran oo lagu xusayey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Novermber oo maanta ku beegan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya, waxaana ka qab-galay madaxweynaha, wasiirka waxbarashada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa marka hore u hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay ku shaqeeyaan daruufo adag, iyaga iyo sidoo kale askarta Soomaaliyeed ee ilaalinaya nabad-gelyada iyo difaaca qaranka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Macallimiintu ay baal dahab kaga jiraan nolosha, ayna yihiin barbaariyaal u taagan kobcinta maskaxda ardayda Soomaaliyeed.

Sanad kasta maanta oo kale ayaa la xusaa Maalinta Macallinka Soomaaliya, iyada oo la fasaxo guud ahaan goobaha waxbarashada, loo wey-neeyo, loona xushmeeyo Macallinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here