MW Xasan Sheekh oo la kulmay ciidamo loo diyaariyey dagaalka Shabaab

0

WISIL (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray fariisimaha Ciidamada Soomaaliyeed ee Magaaladda Wisil ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Wisil, isagoo ku bogaadiyey sida geesinimada leh ee sanadihii la soo dhaafay ay u jabiyeen dhammaan weerarradii Alshabaab ay ku soo qaadeen deegaanka iyo dadka ku dhaqan, waxa uuna tilmaamay in maanta halganku uu ku saleysan yahay xoreynta deegaannada kale ee argagixisadu ay ku dhibaateynayaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa safaro maanta ku maray deegaanno ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, isaga oo boggaadiyay Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here