MW Xasan Sheekh oo shaaciyay xilli la keenayo dhalinyarada ku maqan Eritrea

0

WASHINGTON (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Mareykanka uga qayb-galay kulan su’aallo lagu weydiinayey ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhalinyarada haatan ku maqan dalka Eritrea ee tababarka ciidan loo geeyay dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyaradaasi dalka dib loogu soo celinayo inta ka dhiman sanadkan 2022-ka, illaa bisha January ee 2023-ka.

“Dhalinyarada Eritrea jirta mar dhaw wey imaanayaan, bisha aan ku jirno ee December inta aysan dhamaanin wey soo bilaabanayaan, Januaryna wey soo dhameystirmayaan, dib u dhac danbe ma rajeeneyno” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kaler wuxuu tilmaamay inay ka qayb qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dhalinyaradaan ayaa gaareysa illaa 5,000 oo askari, kuwaas oo ay tababarka u dirtay dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), waxaana in muddo ah la hadal hayey goorka dhalinyaradaasi dib loogu soo celinayo dalkooda Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here