Nabadoon Muqtaar Axmed oo lagu dilay duleedka degmada Cadale

0

CADALE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Nabadoon Muqtaar Axmed oo ka soo jeeda magaalo xeebeedka Cadale lagu dilay gobolkaasi.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa xilliga la dilayey ku guda jiray dhammeystirka heshiis nabadeed oo la kala dhex-dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay halkaasi.

Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inay jiraan dad kale oo dhaawacyo ah.

“Nabadoon Muqtaar Axmed waxaa la dilay isaga oo gacanta kula jiray nabadeynta beelaha walaalaha ah ee dagaalamay,” ayuu yiri Imaam Daahir Imaam Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here