Nabadoono lagu dilay qarax miino oo ka dhacay duleedka degmada Buuloburde

0

BUULOBURDE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in qarax miino oo sababay dhimaho iyo dhaawac uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa loo dhigay gaari ay saarnaayeen Nabadoono Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sii jeeday dhanka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Allaha u naxariistee waxaa ka mid ah Nabadoonada ku dhintay qaxaas iyo kuwa ku dhaawacmay:-

1-Nabadoon Yuusuf Fiidow faarax

2-Nabadoon Mukhtaar Xaaji

3-Ibraahim Yuusuf Fiidow

4-Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.

Si kastaba gobolka Hiiraan waxaa haatan intiisa badan ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here