Nin isaga oo maqan ay dil ku xukuntay Puntland oo soo hadlay

0

BOOSAASO (SMN) – Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Puntland ayaa dhawaan dil toogasho ah ku xukuntay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab, weerarana ay ka geysteen magaalada Boosaaso.

Mid ka mid ah shantaasi nin oo ay maxkamaddu magaciisa ku sheegtay Cabdiraxmaan Ciise Axmed (Laahoor) oo la xukumay isagoo maqane ah ayaa soo hadlay, isaga oo ku sugan tuulo ka tirsan gobolka Bari, waxaana wareysi gaar ah uu siiyey Idaacadda VOA.

Laahoor ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore loo xiray tuhuno la xariira inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, balse lasii siidaayey markii lagu waayey caddeymo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqadiisa ay aheyd Kaari gaadiidka ka rara Busteejo ku taalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuuna la yaab ku tilmaamay xukunka dilka ah ee ay ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada maamulka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu si deg deg ah ugu soo laaban doono gudaha magaalada Boosaaso, uuna hortagi doono sharciga, si loogu kala baxo dhanka cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here