BUULO-BURDE (SMN) – Cabdi Xasan Qoorey oo ka mid ahaa xubnaha Al-Shabaab ayaa maanta isu soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Ninkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo ciidamada dowladda, isla-markaana uu qeyb ka noqdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhanka kale guddoomiyaha Degmada Bulo-burde Xasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo laabta fikirka Al-Shabaab uu xaq u leeyahay in la soo dhoweeyo.
Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga faa’iideysto fursadaha ay dowladdu siisay xubnaha doonaya in ay ka soo baxaan Al-Shabaab