Nin Soomaali ah oo ka mid noqday golaha wasiirada dalka Tanzania

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo nin dhalinyaro ah ku biiray siyaasadda Tanzania,isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

La wadaag cid kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here