Nin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto

0

Allaah ha u naxariistee Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa ayaa Sabtidii lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaana sida ay sheegeen Booliska Toronto Sahal iyo laba gabar oo la socday rasaas lagu furay, xilli ay waddada marayeen.

Saddexdooda ayaa dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka, walow Allaha u naxariisee Sahal uu markii dambe u geeriyooday.

Ilaa iyo hadda booliska ma aysan soo bandhigin cid lala xiriirinayo falkan, balse waxey sheegeen in la arkayay gaari cad oo goobta ka baxaya, ayna socodaan baaritaanno lagu ogaanayo dadka ka dambeeyay falkan.

Dadka goobta ka agdhawaa, ama haya muuqaallo la xiriira dhacdadan ayaa laga codsaday inay la xiriiraan booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here