Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Talyaaniga + khasaaraha

0

Nin la rumaysan-yahay inuu yahay Soomaali ayaa Talyaaniga ku tooreeyay afar qof oo uu ilmo yar ku jiro kaddib markii la weydiiyay tikitka uu ku raacayay baska oo u socday magaalada Rimini ee dalka Talyaaniga.

Wuxuu mindi ku weeraray labada gabdhood ee qaabilsanaa hubinta tikidhada ee baska ka hor inta uusan baxsan.

Ninka ayaa sii waday weerarka isagoo saddex qof oo kale tooriyeeyay kaas oo lagu tilmaamay weerarka argagaxa leh, waxaa ka mid ahaa haweeney iyo ilmo yar , sida ay qortay warbaahinta TGCom24.

Inkasta oo labada gab aysan dhaawac halis ah soo gaarin, hadana waxaa la sheegay in cunugga mindida looga dhuftay cunaha, waa sida warbaahinta maxaliga at baahisay.

Ninka hubeysan ee weerarka geystay ayaa ku guuleystay inuu ka dego baska isagoo ku amray darawalka inuu albaabka furo isagoo ugu hanjabay inuu mindi gelinayo.

Mar uu jidka marayay, wuxuu sidoo kale isku dayay in uu afduubto baabuur. Laakiin, ka dib markii uu u orday dhinaca waddooyinka tareenka ee u dhow, booliisku waxay ku guuleysteen inay qabtaan oo ay xiraan gacan ku dhiiglaha.

Qabashada ninkan waxaa amray xeer ilaaliye Davide Ercolani. Sida laga soo xigtay TG Comm 24, qofka wax weeraray ayaa lagu hayey xarun Laanqeyrta Cas iyadoo markhaatiyaasha qaarkood ay ku tilmaameen inuu yahay “shaqsi rabshad iyo dagaal badan”.

Waxaa loo malaynayaa in baarayaashu aysan meesha ka saarin suurtogalnimada in uu isticmalay maandooriye intii uu weerarka socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here