MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal lagu sugayey amniga ka sameeyey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Howlgalkaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid lagu baacsanayo burcadda hubeysan iyo kooxaha ciyaal weerada, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo loogu magac daray sama-kaab, isla-markaana lagula dagaalamyo kooxaha burcadda ah iyo ciyaal weerada.