CADAADO (SMN) – Qaar ka mid ah odayaashii u tegay Al-Shabaab ee Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladaaso, waxayna ka hadleen heshiiska ay lasoo galeen Al-Shabaab.
Odayaashan ayaa shaaca ka qaaday in ay Xarardheere u tegeen sidii ay usoo deyn lahaayeen dad ay sheegeen inay u xirnaayeen Al-Shabaab, sida hadalka u dhigeen.
Sidoo kale waxa ay beeniyeen odayaasho inay xiriir toos ah la leeyihiin Al-Shabaab, ama ay la shaqeeyaan.
“Al-Shabaab lama shaqeyno, ujeedkeena wuxuu ahaa inaan ka soo deyno dad ay naga xireen”ayuu yiri Nabadoon Sugaal Warsame Cali.
Halkan hoose ka daawo:-