Odowaa oo u digay askarta milatariga ee hubka ku dhex wata Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayey ammaanka magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray askarta milatariga ee hubka ku dhex wata caasimada.

Odowaa ayaa faray dhammaan askarta Xoogga dalka ee ku sugan magaalada Muqdisho inay dib ugu laabtaan xeryahooda, ayna dhigaan hubka.

“Askarta milatariga ee hubka ku dhex wata Muqdisho waa in taliskooda ay yimaadaan hubkana ay dhigaan” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here