OGEYSIIS: DEEQDA WAXBARASHO EE HORMUUD TELECOM (HTSP)

0

                                                  OGEYSIIS MUHIIM AH
                           DEEQDA WAXBARASHO EE HORMUUD TELECOM (HTSP)
Hormuud Salaam Foundation waxay ogaysiinaysaa Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare, gaar ahaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 & 2020 /2021 in la qaadi doono Imtixaankii lagu
codsanayey Deeqda Waxbarasho ee sanadlaha ah ee shirkada Hormuud Telecom.
Imtixaanka waxaa la qaadi doonaa 3 & 4 August 2021, wuxuuna ka dhici doonaa xarunta
Jaamacadda Moqdisho, qeybta Luqadaha ee xaafada Taleex, Degmada Hodan.

Sharuudaha Gelidda Imtixaanka ee ardey kastaa laga rabo waxaa ka mid ah:

1. Ardey kastaa Inuu buuxiyo Foomka Codsiga Imtixaanka, kaasoo laga helikaro
Ciwaankaan : http://hsp.htf.so/portal/StudentRegistration, laga bilaabo, Axada 25
July 2021, saacadda markeey tahay 10-ka (subaxnimo), ilaaa iyo Isniinta 26 July,10:00 am
ama markii aay is diiwaan geliyaan 400 ardey.
2. Inuu ka mid yahay Ardayda dhameysey dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2019/2020
& 2020/2021.
3. Inuu ardaygu heysto aqoonsiga Roll Number ee Wasaaradda waxbarashada
4. Inuu helikaro Shahaadada dugsiga sare markii loo baahdo.
5. Inuu soo diyaarsado sawir teesaro ah ka hor inta uu buuxun foomka codsiga
Waxaana loo tartami doonaa sanadkaan kulliyadaha kala ah:
 Kuliyadda Beeraha
 Kuliyadda Badda
 Kuliyadda Waxbarashada
 Kuliyadda Xanaanada Xoolaha
 Kuliyadda Geology
 Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka
Ardaygu waxa uu dalban karaa jaamacadda uu doono ama jecelyahay inuu wax ka barto ee
Jaamacaddaha dalka
Haddaba Ardayda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed waxaan ku wargelinaynaa in Imtixaankaas
isu diyaariyaan.
Wixii faah faahin ah kala xiriir telefoonada hoos ku qoran
Tel 0613 99 33 67 iyo
Tel 0613 99 33 68
                                        ====DHAMMAAD====

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here