Rooble oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Cabdiqaasim

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hogyiiga magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo uu ka siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka, hannaanka ay u socdaan doorashooyinka iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mudane Cabdiqaasim uga mahadceliyay doorkiisa dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odoynimo.

“Waxaan caawa hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo. Waxaan madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here