Pakistan iyo Somalia oo ku heshiiyay inay sare u qaadaan xiriirka Baarlamaanada

0

ISLAMABAD (SMN) – Pakistan iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan xiriirka heer baarlamaan si ay isu soo dhaweeyaan Xildhibanaada iyo sidoo kale shacabka labada dal.

Heshiiska ayaa lagu gaaray kulan magaalada Islamabad ku dhex maray afhayeenka baarlamaanka Pakistan Raja Pervez Ashraf iyo wafdi ka socday baarlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Figi.

Isagoo la hadlaya wafdiga, Raja Pervez Ashraf wuxuu sheegay in kor u qaadista xiriirka baarlamaanada labada wadan uu yahay mid faa’iido u leh dhinac walba.

Waxuu sheegay in Xildhibaanada ay kala faa’ideysan karaan khibradaha iyo waayo-aragnimada, islamarkaana ay is-dhaafsan karaan wax badan oo muhiim ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa ay muhiimad gaar ah siinayso xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Soomaaliya, ayna doonayaan inay horumariyaan iskaashiga dhinacyada kala duwan oo uu ka mid yahay ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here