Professor Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo dib u helay xoriyaddiisa

0

NAIROBI (SMN) – Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan Soomaali-Kenyan ah kaasoo 7-dii bishan ay bartamaha magaalada Nairobi Ka wateen rag loo maleeyay inay ka tirsan yihiin Ciidamada qarsoon ee dowladda Kenya, ayaa xalay dib u helay xoriyaddiisa.

Prof. Cabdiwahaab ayaa raggii watay waxa ay muddo ka badan badan 10 maalmood ku hayeen goob aan la garaneyn.

Sidoo kale ehellada Cabdiwahaab oo xaqiijiyay inuu caafimaad qabo xalayna uu kusoo hoyday gurigiisa, ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin dheeraad ah ay ka bixiyaan sababihii loo afduubay, mana jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here