Puntland iyo Galmudug oo yeelanayo iskaashi caafimaad + Sawirro

0

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay sii xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin bulshadu isla markaana daba socday kulamo mudooyinkii u danbeyay u dhaxeeyay masuuliyiinta wasaaradaha caafimaadka labada dowlad gobaleed ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Kulanka oo ay si wadjir ah u shir gudoominayeen wasiiradda caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay howl wadeeno ka socday wasaaradaha caafimaadka labada dowlad gobaleed agaasimayaasha  labada isbitaal ee waaweeyn  ee Galmudug iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo waxaana kulanka intiisa badan layskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa daboolista adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin si isku mid ahna loogu adeegi lahaa shacabka Soomaaliyed.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Galmudug Dr C/wali C/llaahi Jaamac ayaana ugu horeyn kulanka ka hadlay waxaana uuna faah faahin ka bixiyay ujeedka kulanka oo tilmaamay in uu yahay mid labada wasaaradood ay uga gol leeyihiin in la sii xoojiyo wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin sidoo kalana kulankan uu daba socdo kulamo madaxda labada wasaaradood ay ku yeesheen magaalada garoowe iyo magaalooyin kale oo ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka puntland.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax xasan ayaa isna dhankiisa  xusay in lama huraan ay tahay in la xoojiyo qorshaha wada shaqeynta bahda caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo mudooyinkii u danbeysay ay ka muuqanayeen iskaashi wanaagsan

Ugu danbeyn labadda wasiir iyo masuuliyiinta ka socday qeybaha kala duwan ee wasaaradahaasi ayaa si wadajir ah kormeer ballaaran ugu sameeyay qeybo ka mida isbitaalka weyn ee Gaalkacyo Galmudug iyo howlaha shaqo  ee isbitaalku u bulshadu u hayo iyagoona warbixino la xariira xaaladaha bukaanada isbitaalka ku jira ka dhageysaty dhaqaatiirta iyo howladeenada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here