Puntland oo amar culus dul-dhigtay shacabka ku dhaqan Garoowe

0

Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta oo Sabti ah Garoowe laga saaro xoolaha ku dayacan gudaha magaalada.

Laga bilaabo Sabtida 19 Juun waxaa magaalada laga saarayaa xoolaha ku dayacan ayuu yiri duqa degmada Garoowe.

Sidoo kale, wuxu dadweynaha ka codsaday, in ay gacan-siiyaan shaqaalaha iyo ciidanka dowladda hoose u xil-saartay fulinta hawshaas.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, iyadoo Garoowe uu ka socdo barnaamijka cagaarinta caasimadda, kaas oo la doonayo in dhir badan lagu beero magaalada si loo hagaajo bilicdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here