Puntland oo baaq nabadeed kasoo saartay colaadka ka taagan gobolka Sool

0

Maamulka Puntland ayaa baaq nabadeed ka soo saaray, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.” Ayaa qoraalka lagu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan diinta suubban.

“Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ka baxsan diinteena suuban.” Ayuu sii raaciyay.

Isimada iyo Culimada degaanka ayuu sidoo kale ku boorriyay, in loo istaago joojinta colaadda u dhexaysa labada beelood, oo marar kala duwan ka dhacday halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here