Puntland oo baaq u dirtay Ganacsatada ku dhaqan Gobolka Mudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa u sheegay ganacsatada inay qeyb ka noqdaan la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana uga digay inay siiyaan lacago baad ah.

Cabdaladhiif Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa hoosta ka xariiqay in xididada ay u siibeen Shabakadii u qaabilsaneyd  Al-Shabaab dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha magaalada Gaalkacyo.

“Ganacsatadu dalka ayay wax ku leeyihiin waxa ay ku ganacsanayaana waa nabadda, haddii Nabad la waayana ganacsan mayaan, Nabaduna waxa sugaya waa ciidanka, dhiig baa ku baxaya, dhaqaalaa ku baxaya, dadaal baa ku baxaya, cod baa ku baxaya, inay ganacsataduna ay qeybtooda qaataan waa waajib, anagu waxaan u jeedineynaa inay isgartaan si ganacsiga uu u kordho amnigana hagaago”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdaladhiif.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Maamulada Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ay si wada jir ah isaga kaashanayaan la dagaallanka  Al-Shabaab, uuna bogaadinayo howlgallada ka socda koonfurta Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here