Puntland oo baaq u dirtay shacabka ku dhaqan gobolka Mudug

0

Taliyaha xabsiga dhaxe Gobolka Mudug ee Puntland Gashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo kaga hadlay howlgallada la dagaallanka Al-Shabaab ee ka socanaya Gobolka Mudug, isla markaana ay si wadjir ah isaga kaashanayaan ciidamada amniga Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo haatan laga gaaray guula waa weyn.

Taliyaha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay doorkooda ka qaataan olalaha balaaran ee la dagaallanka xoogaga Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay bilbeen adeegsiga qorshayaal cusub iyo abaabulka weeraro ay ka geystaan gobolkaasi.

Taliye Aadan ayaa sidoo kale markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ku aadan in la garab istaago ciidamada ammaanka ee dagaalka adag kula jira Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here