Puntland oo beenisay in gaadiidka lacago looga qaado Boosaaso

0

Gaanshaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ah taliyaha qaybta Booliska Gobalka Bari ee Puntland ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in kantaroolka Boosaaso lacago lagaga qaado dadka ka imaanaya magaalooyinka kale.

Taliyaha ayaa ugu horreyn waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas la xiriira in kantaroolka Boosaaso lacag lagaga qaado dadka soo geliya magaalada, si looga baaro cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in aysan waxba ka jirin arrintaas, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu ogaado in ay faafisay wararkaas been-abuurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here