Puntland oo boggaadisay dadaallada Rooble iyo hoggaamintiisa dalka

0

Puntland ayaa boggaadisay dadaallada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo hogaamintiisa dalka ee muddada kala guurka ah, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay markasta aaminsan tahay sarreynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qoraal uu soo saaray kaga horyimid wareegtadii xayiraadda ee kasoo baxday madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here