Puntland oo kulan casho sharaf ah u sameysay Axmed Madoobe

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kaga qeybgalay kulan Casho Sharaf ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Garoowe.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Senatarada cusub ee dhowaan la doortay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Axmed Madoobe oo dhowr cisho ku sugan gudaha magaalada Garoowe ayaa kulamo looga hadlayey doorashooyinka la yeeshay dhiggiisa Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here