Puntland oo ciidamo horleh geysay bariga gobolka Mudug + Ujeedka

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalada deganaasho ah laga dareeemayo bariga gobolkaasi oo ay dhawaan ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalladan ayaa salka ku hayey dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka dhacay halkaasi, waxaana soo faragelisay Puntland oo ciidamo kala dhex-dhigtay labada dhinac.

General Cabdullahi Gaafa oo ka mid ah saraakiisha Puntland ee la geeyay deegaanadaas ayaa shaaciyay in tallaabo ay ka qaadi doonaan cid kasta oo colaad ka horisa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray maleeshiyaadka hubeysan ee weli ku sugan bariga Mudug, isaga oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo halis ku ah amniga gobolkaaso.

Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here